free picture |
Halbeegga bulsha mideysan waa tusaalaha dunidu wada
fiirsato, dhaqanka wanaagsan iyo ilbaxnimada banii aadamka waxaa kamid ah
midnimada bulshada, dhankasta kamideysan sida siyaasadda, dhaqanka, dhowrista
waxa ey wadaagaan, sida caadooyinka ugaarka ah, maskaxda iyo maslaxada guud.
Bulsho mideysan waa muunad awood badan, waa deyr ardaa
weyn, waa buur aan bir jabi karta dunida korkeeda jirin, bulsho mideysan waa
mujtamac iimaan leh, iimaankaas oo ka awood badan hubka dunida ugu halista
badan ee NUCLEAR, cidna uma soo bareeri karto iney dhexdooda kakaluumeysato oo
ey iska horkeenaan, waa dad leh muuqaal dheeh leh oo cid kasta tusaale nool
kadhigato, dowladaha aduunka waxaa muruq iyo maskax u ah bulsho dhisan, leh
mabaadii’ sal adag iyo xeerar ladhowro, kuwaas oo ayana ilaaliya shuruucda
dowliga ah sifa loo hormariyo adeegyada bulsho ee ay fuliyaan hey adaha
dowligaa.
Allaah SW wuxuu yiri “qabsada xariga alle dhamaantiin,
hana kala tagina” sidoo kale nabi Muxammed CSW wuxuu yiri “ahaada adooman
ilaahey oo walaala ah, ha is xasdina, hakala caroonina, hakala tagina, ahaada
kuwa is xuluffeysta oo isku duuban”, dhamaan waxaan halkaan kafaa’iideysan
karnaa in midnimada ummaddu tahay muqadas, kala tagga iyo khilaafkuna yahay
burbur bulsho iyo dib udhac, mar kastana waxaa hubaal ah dib udhac kasta oo
kuyimaada heykalka ummadeed, sida kan dhaqan dhaqaale, kan dowliga ah iyo
wadajirkoodaba waxaa asal u ah is diidooyinka kadhex yimaada bulshada.
I.
Deegaan caafimaad qaba.
II.
Dhaqaala ahaaan waa kuwa wax soo saar leh.
III.
Cadaalad ahaan waa kuwa horumarsan oo lagu
kalsoonaan karo.
Sikastaba midnimadda ummaddu waxey xoojisaa jiritaanka
dadka, waxey sara uqaadaa qiimaha ummaddeed, waxey kadhigtaa dalka ey kunool
yihiin dadka nuucaas ah mid soo jiidasha leh, sidoo kale dalkaas waa mid
kafursada badan dalalka kale, sababtoo ah dadkiisa ayaa ah kuwa qaatey go’aan
midnimo oo ey mustaqbalkooda kuhagaajiyeen.
0 Comments