Wacyi galinta Bulshadu waa shey muhiim u ah wada jirka iyo xasiloonida ummadeed, wuxuuna kaqeyb qaataa nabbed dhiska iyo horumarka arimaha bulshada, waxci galintu faaiidooyin fara badan ayey bulsha kasta uledahay, waxaa kamid ah:-
free picture |
1. Bulsho tacliin leh: wacyi
galintu waxey kaqeyb qaadataa waxbaridda bulshada, ummad walba waxey jahliga
kula diriri kartaa ayagoo aqoon buuxda uleh diintooda, maadigana yaqaan, taasi
waxey kasaacidaa qofka inuu maalo maskaxdiisa, waxey tirtirtaa mugdiga iyo
hummaagga aan lahubin ee kudaboolan caqliyadda qofka, wacyi galintu waxey
kasaacidaa ruuxa inuu maskaxdiisa maalo, isla markaana meel iska dhigo wax
walba oo aan dani ugu jirin, inuu ruux shaqsiyadiisa koriyo isla markaana
garaadkiisa kumeyro miraha aqoonta, tarbiyadda wanagaasan ee qof waxaa 1 ka ah
asalka qoysk kuqalabeysan aqoon mug iyo miisaan leh, taasina waa gurashada miraha hilaaca wacyi galinta.
2.
Wax
wada qabsiga ummadda: door weyn ayey wacyi galintu ka qaadataa
wax wada qabsiga ummadda, sida dhowrista wada lahaanshaha hantida guud, tusaale
ahaan dhowrista wadooyinka, nadaafadda, leyrarka, cisbitaaladda, deegaanka iyo
wixii lamid ah.
3.
Kahortagga
cadaalad darida: ummad aqoon leh dhexdeeda suurta gal kama
ahan isir faquuqa, kala saaridda dad isku mid ah, sheegashadda nasabiyad faan
lagu xardhey, kutumashadda sinaana & cadaaladda, baraarinta kibirka,
beylihinta kuwa jilicsan ama taagta daran, kutumashada sharciga IWL.
4.
Ilaalinta
sharciga iyo qadarinta caqliyadda dadka: faaiidooyinka
wacyi galinta waxaa kamid ah, in bulshadu noqoto dad mas’uuliyadda wada
xambaara, dad utooran kahor tagga falalka qariba jiritaanka ummadda, kahortagga
kobcinta naceyba iyo fad qalalooyinka, wacyi galintu bulshada waxey u ifisaa
sidey u ilaasha lahaayeen dowladnimadooda sifa ey waalkood ula tartamaan,
maskaxdoodana ugu gogal xaaraan barwaaqo kunoolaanshaha jiilalka danbe, dajinta
istaraatijiyooyin xeel dheer kuna qotoma dhowrista danaha qaran ee ay wadaagto
ummad kasta sifa loo ilaaliyo madax banaanidda jiilasha mustaqbalka fog!.
Wacyi galintu waa aqoonta bulshada oo lakordhiyo,
bulsha aqoon leh Ayaana dunida hugggaan keeda heysa, dad isku tashtey hadaad
maqasho waa kuwaas oo kale, liidnimo jahlibaa leh, dhaqanka ummadda oo
ladooriyaa leh, gunnimo waxey gogal dhigataa kuwa aqbala ee aan garan halka
dunidu u hayaanka tahay, sidaa awgeeda bulsha ahaan waa inaan noqonaa dadka leh
aqoon furan, aragti xeel dheer iyo hiigsi jidkiisu cad yahay, sifa aan wadadaas
u helno waxaan ubaahanahay inaan ummaddeena jahliga kala dirirno oo aan ufurno kasmooyin lagu kobcinayo garaadkooda.
0 Comments