Latest Article

6/recent/ticker-posts

Isbadal doonka nabdoon

Free picture



 Aduunyadu waa hoos meera, oo hadba dhan isku roga, marna waa hilaac muuq dheer marna waa mugdi humaago badan, waa kur turaan turo badan, waa buur hadba dhan ujan jeerta, waa laan laac leh, marna waa laan sariiban oo aan laheyn wax laga dheefo, dunidu mar waa ceel qalalan, marna waa il barwaaqo sooran ah, sidoo kale dunida waxaa qurxiya camirataanka ummaddu kusameyso, balse markasta waxaa bud-dhig u ah rarasho nabdoon iyo is rog rogidda huggaankeeda oo ah xarig hadba huggaamintiisa qolo lawareegato.

Isbadal doon nabadeed oo ah kala wareejinta huggaanka dal, taasoo lamicna ah in majaraha dal laba garab si nabad ah kula kala wareegaan, is badal doon nabdoon micnaheedu waa in majaraha ama hoggaanka dal jira koox kala wareegato koox kale, kala wareegaas oo kudhisan mabaadii, kusaleysan aragti fog oo xeel dheer, ayadoo aragtidu tahay in labuuxiyo door banaan kaasoo ey kagaabiyeen koox heysa maamulka wadan jira, sida cadaaladda, ilaalinta qayimka ummadi leedahay, bixinta adeegyo muujinaya sinnaanta iyo isku heynta muwaadiniinta dal, kahortagga isir faquuqa, bixinta adeegyo dowli ah oo lasiiyo muwaadiniinta dal leeyahay, waxbarasho firii ah, caafimaad iyo faya dhowr qiima badan kukacaya, jidad waa weyn oo waasaca, kaqeyb galinta talada dalka ee dhalinta iyo aqoon yahanka ummadda iyo wixii lamid ah.


Sikastaba, ayadoo laga duulayo buuxinta baahida bulshada, xisbi walba ee wadan kajira, wuxuu kiciyaa aragti kuqotanta in farta lagu muuqo kagaabinta waajibaadka qaran ee kadhanka ah kuwa xukunka jooga, sidaas owgeed isbadal doonka nabdoon waa aragti caafimaad qabta oo xukun doon ah, waana habka kala wareegidda xisbi horey ujoogey ayadoo aragtida xisbiga hore lagu cuuryaaminayo mid kacad, kaqurux badan, kana waasacsan ayadoo dhalinta lagu dhiira galinayo iney doorkooda kaqaataan isbadalka maamul ee dhaqdhaqaaqa nabdoon lehna aragti iyo istiraatiijayad mideysan kuna qotanta maamul wanaag, ayadoo cadeyneysa sida ey doonayaan xisbi siyaasadeedka cusub sida ey rabaan iney udhowraan xuquuqda muwaadiniinta.

Post a Comment

0 Comments