Latest Article

6/recent/ticker-posts

Koritaanka Qabyaaladda waxaa looga bixi karaa wacyi galinta Bulshada oo sara looqaado.

 


free picture

Qabyaladdu waa cudur dilaa ah, kaasoo cuuryaamiya midnimada, karaamada, wadajirka, awooda, isku xirnaanta iyo is aaminaada bulshada, qabyaaladu waxey kukortaa kuna barbaartaa maskaxda kuwa aan laheyn aqoonta badan oo ay kaga gaashaaman karaan dhibaatooyinka ey dhaxal siin kato qabyaaladdu.

Qabyaaladda waxaa loooga hortagi karaa aqoonta bulshada oo lakobciyo, wacyi galin baaxad weyn oo leh ilo laga maal galiyo sifa loo helo ummad is jecel, kufaanta jiritaankeeda, kafaanta kala faquuqa iyo naceybka, wacyi galintu mar walba waa dhaqaajiyaha furaha xariga isku xira sara uqaadida kobcinta aqoonta bulshada.

 Qabyaaladdu waa qurun, horey ayuuna Abwaan Somaliyed uyir “Dugsi maleh qabyaaladi waxey dumisa mooyaane”, sidaa darteeda qabyaaladdu waa shey aad uxun, xaaraam ah, aanan diinta islaamka ee xaniifka ah aan meelna kulaheyn, sidoo kalena dadka ilbaxa ahi wey kafaanaan, waana wax aad looga xishoodo runtii, asalka ama bud-dhigga qabyaladdu waa jahliga, jahligana waxaa looga bixi karaa oo kaliya aqoonta, sidaa daraadeeda waa inaan xoogga saarno wacyi galinta oo ah hab wax barid ama wax barasho oo aad ufudud, eyna fahmi karaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida waayeelka, caruurta, haweenka iyo qof kasta oo kadaahey heerka wax barasho ee aas aasiga ah.

 

free picture


Hadaba waxaa jira “QABIIL & QABYAALAD”, Qabiilku wax xun maahan, oo ilaahey SW wuxuu yiri “waxaan idinka dhigney qabaa,ilo, si aad iskugu garataan oo kaliya”, taasoo lamicna ah in qabyaaladdu xaaraam katahay bulshada muslimiinta ah dhexdooda, kuwa kalena ee aan islaamka aheyna anfaceynin. Sdioo kale NABIGEENA Muxammed CSW, wuxuu yiri “Qofkii qabyaalad udagaalama ummadeyda kamid maahan” taasoo noo cadeyneysa in qabyaaladdu tahay Shey Xaaraam ka ah muslimiinta dhexdooda, iyo xitaa ummaddaha kale ee aan muslimiinta aheyn, sidoo kale Alle SW wuxuu yiri “Dulmiga anigu nafteyda waan kaxarimey, adinkana waan inka xaaraanti meeyay”, taasoo cadeyn u ah in dulmiga qabyaaladdu yahay waxaan kubanaaneyn qayimka, sharafta iyo wada jirka bulsho.

 

            Qabyaaladdu waa camal iyo fal sheydaani ah, isha qabyaaladdu waa jahliga, waxa kadhasha ee laga dhaxlana waa dulmi iyo manaafaqad kufaafta ummadda dhexdeeda, xididkeda waxaa lagu siibi karaa wada jir iyo iskaashi bulsho

Post a Comment

0 Comments