Free Picture |
Qof walba oo dunida guudkeeda saaran wuxuu jecel yahay inuu guuleysto, kamiradhaliyo hadafyadiisa, si uu ugu raaxeysto miraha guushiisa, qof walba wuxuu jecel yahay inuu noqdo mid kuqanacsan heerka noloshiisa sifa uu bulshada dhexdeeda maqaam sare uga helo. Qofku wuxuu jecel yahay inuu ahaado mid leh magac iyo maamuus bulshadu kutix galiso markey arkaan sifa uu uhelo dhaxal reeb kuraajiya magaciisa goobaha dad weynuhu kukulmaan.
Ruux walba oo leh aragti fiyoow iyo maskax furan wuxuu kuriyoodaa inuu noqdo mid bulshadu kudayato tusaalena u ah, qofka hamiga sare leh wuxuu jecelyahay inuu kamid noqdo dhaxalka ummaddiisu leedahay, taariikhdiisana iskuulada loogu dhigo jiilasha danbe, sifa caruurtu halbeeg uga dhigtaan sooyaalkiisa wanaagsan, hadaba inaad noqoto qof guuleysta, leh sifooyin wanaagsan oo bulshadu tub iyo tusaale kadhigato waxey kaaga baahan tahay dadaal dheeriya, karti, hal adeygnimo iyo inaad nolosha dhexdeeda go’aamo adag kuqaadato.
Si kastaba, guuleyste waa maxey?, guulna maxaey tahay?.
Labada eray wey kala duwan yihiin,balse kalama maarmaan oo waa ul iyo
diirkeeda, guul majirto hadaan guuleeyste jirin, guuleystana majiro hadaan guul
jirin, se labada eray midbaa maqan, sidaa darteeda waa in lasoo helo, tusaale waxaa
maqan guusha, balse guuleystaha waxaa waajib ku ah inuu guusha soo helo si uu
unoqdo mid kujiifa taajka quruxda badan ee macnaha iyo maqaamkaba uyeela
nolosha iyo qofkeeda. Hadaba waa maxey guul?, guushu waa sifo waana waxa
cadeynaya jidka qodxaha badan,oonka, gaajada iyo galiilyada qofku usoo marey
taasoo cadeyn u ah shaqsiyadiisa iyo natiijada mahdinta leh ee uu kagaarey
noloshiisa waana dadalka, kago’naanta, dhabar adeyga, ku sabridda
dhibaatooyinka qofka soo wajaha, dulqaadka, hiigsiga hanaasan, himilada, howl karnimada,
caqliyada aqoonta hubeysan ee garata halka uu joogo, meesha uudoonayo iyo garashada jidka uu safarkaa
umarayo. Hadii aan halkaas ku ogaaney guusha iyo micnaheeda oo kooban, bal
hadana aanu isla eegno guuleystaha, kadibna waxaanu arki doonaa dhowr qodob kuwaas
oo qofka kakaalmeeya inuu hadafyo yeesho, sikastaba guuleystuhu waa qofka
qaata go’aano aad uqaraar, mararka qaarna aan maskaxda aadanuhu suureysan Karin,
balse ubaahan in loo maro laguna dhiirado wada qodxa badan, ciriiri ah, mugdi
ah kunabixiyo dadaal fara badan, sifa waxaan maangal aheyn uu uga dhigo wax
caqli gal ah, soo jiidasha leh, wax kolkii hore dhalanteed u ekaana uu kadhiga
dhab dadku wada hiigsadaan, sidaasna guuleystuhu wuxuu waalkiisa unoqdaa
tusaale ey kuwada deydaan, qofku markuu guuleysto wuxuu yeesha macno iyo qiimo
uuna kolkii hore laheyn, sidoo kale guuleystaha guushiisu mar waa mid gaara,
marna waa mid ummadeed ama waa guul qaran, sidoo kale waxey noqon kartaa guul
qaaradeed, qofka guuleystaha ah aduunyada wuxuu kahelaa xasaanad eyna laheyn
kuwa asaga lamidka ah xagga da’da, midabka, qaran ahaan ama xitaa diin ahaan,
waayo guushiisa darteed, sidoo kale waxaa la arkaa ama suura gal ahba in
dowladdo kala duwan kusoo xoomaan ayagoo doonaya iney kafaa’iideystaan
maskaxdiisa wanaagsan, guuleystuhu mar kasta waa mid waqtigiisa beeqaamiya ka ilaaliya
marin habaabinta iyo waxyaabaha aan macnaha laheyn ee dadku cimrigooda
kudhaafaan, guuleystuhu waa shaqsi fikir iyo hal abuur badan, waa qof jecel
inuu markasta iyo meel walba wax soo kordhiyo.
0 Comments