Latest Article

6/recent/ticker-posts

Qiimaha Dulqaadka

 

free picture

Qof walba oo dunidaan korkeeda jooga, waxaa uu leeyahay astaamo iyo waxyaabo u gooni ah, kartida qofka waxaa lagu yaqaanaa ilbaxnimada, feel jignaanta, udul qaadashada xaaladaha adag, maareynta arimaha masiiriga ah ee kudeyran qofka, saqinimada iyo gacan furnaanta, dad isku wadida, xiriirnta ummadda, qarinta xaaldaha daruufeysan ee ugaarka ah, kamira dhalinta hadafkiisa shaqsigaa iyo dhowrista danta guud, dorkiisa wanaagsan ee uu ku dhex leeyahay bulshada, u naxariisashada kuwa taagta daran, xurmeynta kuwa kawaa weyn, ilaalinta qayimka iyo dhaqamadda iyo caqiidooyinka ummadiisa.

 Hadab, inuu qofku noqdo ruux dul badan, ruux kasi jeesta hadimooyinka iyo haaraha soo gaara, qofaan dadka tusin kana qariya dhibaatooyinka u gaarka ah, waxaas oo sifooyin wanwanaagsan ah waxaa bud dhig u ah samirka.

Hadaba waa maxay “SAMIR”? samirku waa sifo ama calaamad cadeyneysa kartida iyo adkeysiga qofka banii aadamka ah, waa calaamad muujineysa gobanimada qofka, waa tusmo tusaale ah oo cadeyneysa nimcada weyn ee Allah SW oo kamaneystey qofka leh sifada nuucaas ah ee Samirka leh. Samirku waa hanaan cadeynaya dadnimda iyo halbeegga wanaagsan ee qofka samraaga ah, waa leyr ifiyanaya tusaalooyin kudayasho mudan oo ey tahay in laraaco, waa adkeysi, waa hal adeygnimo, waa rukuma cusli, waa xamilida culeysyadda qofka shaqsiyan usoo wajaho.

Sikastaba il adeygnimo iyo xeel dheeri ayaa laga dhaxlaa samirka badan, samirku wuxuu jaraa cadka xun ee dhadhanka kadila qofka insaanka ah, wuxuu kadhiga qof miisaan leh oo yaqaaana meesha uu talaabada dhigayo, qof sixi kara tiraabta iyo wax ku dheefsashada taariikhda gunka weyn ee koobta soo jireenka ummadi leedahay dhankeeda san iyo keeda xunba, hormarka qofka wuxuu kugaaraa dulqaadka iyo hal adeygnimda.

 

Markaan soo kobo qormadeyda oo aan si gaara xoogga ugu saarey micanaha iyo maqaamka samirka, allah sw wuxuu yiri “ kaashada SAMIRKA iyo salaada, waayo waa tu kuweyn kuwa aan garaneyn micanha iyo miisaanka Samirka, balse kuwa alle kabaqa uun baa garanaya Qiimaha Samirka”. Si walba oo ey tahay miraha nolosha iftiimiya, kuwa lagu goosto riyooyinka dhaadheer ee xaqiiqooba kadib Samir dheer beerta laga goosto waa samirka.

Post a Comment

0 Comments