Free Picture |
Sidaan wada ognahay qormadeenii horana aan sikooban ugu soo qaadaney qofkasta oo dunidaan dusheeda jooga waxaa uu aad ujecel yahay inuu noloshiisa meel sare oo uqalanta kagaaro, uuna xaqiijiyo ahdaafta noloshiisa, hadaba waxaanu dooneynaa inaan halkaan kusoo qaadano dhowr qodob kuwaas oo qofka kacaawiya kamira dhalinta himilooyinkiisa nolosha:-
- Riyo nololeed. In qofku leeyahay riyo kuqotanta mustaqbalka noloshiisa waa shey aad umiiha, aragti fog iyo fahamka qotoda dheer ee shakhsi leeyahay waxey toosh u ifisaa halka uu hiigsanayo, inaad hurdada kasoo toosto adigoo leh meel kuu cad oo aad safarka geedigaaga kufuri karto waxey batari weyn kuu galineysaa mashiinka dhaqaajiyaha ka ah xirfadda noloshaada. Si lamid ah, kolkaad seexaneysid markaad qorshe cad oo muujinaya sidaad umaareyn laheyd nolol maalmeed kaada waa riyo qurux badan taasoo tiir dhexaad unoqon karta hal beegga halka aad tiigsaneyso, waxaa wax laga yaqyaqsooda ah inaad seexato sidoo kalena soo kacdo adigoon laheyn meel kuu cad iyo dekeddii aad baroosinka udhigi laheyd markabka aad suratey bartilmaameedka caashaqa hirka noloshaada.
- Ficil. Riyo kasta manoqoto sida loo dhigey, balse waxey riya kasta ubaahan tahay ficil, hadaad darbi iska fadhiisato ee aad kuhadaaqdo waan riyoonayaa, waxaan jeclahay inaan waxaas sameeyo, dabaqaas dheer baan rabaa inaan dhisto iyo wixii lamid ah, waligaa maguuleysaneysid, riyadu waxba manoqoneyso, is badal walba ficil ayuu ubaahan yahay, is badalka noloshu wuxuu kabilaabmaa qadarinta qofku naftiisa uhayo, sidaa darteed riyo aan ficil kadanbeyn waa dhalanteed iyo caqliyad cuuryaan ah.
- Ka go’naansho. Qorhe walba oo qofku degsado wuxuu wajihi karaa caqabado kala duwan, sidaa awgeed qofka waxaa laasim ku ah inuu udul qaato caqabadaha soo wajahaya aragtidiisa, waayo qofku magoosan karo miro uusan abuuristooda usoo dhibaatoon, markaad degsato qorshe cad iyo jaran jaro leh talaabooyin kala sareeyo waa inaad xaaqdo culeysyadaas adiga oo maraya silsiladda xirfadeysan ee qorshaha kuu degsan, sidoo kalena aan marna kawaabaneyn fulinta iyo xaqiijinta ahdaaftaada.
Guntii iyo gaban gabadii, aragtida wanaagsan, maskaxda fiyow, xoog furnaanta, hal adeygnimada, alle kuxirnaanta, xamilida caqabadaha jidgooyada kuu dhigta, lahaanshaha hadaf iyo hiigsi fog oo cad waxey kuu horseedaan guul iyo garasho aad waalkaa dheeraato, sidoo kale qormadeena tan xigta Ayaan kusoo qaadan doonaa seddex qodob oo kale kuwaas oo ayana muhiid gaara uleh guulaha shaqsiyadeed ee nafar noloshiisa kagaaro. Inshaa allah.
0 Comments