free picture |
Wacyi galinta bulshadu waa hanaan muhiim ah, furfuran, jilicsan, leh waji dulqaad badan oo u ogolaanaya dhamaan dhinacayadu iney yeeshaan wada hadal daah furan la iskana wada dhex arki karo, wacyi galintu waxey muhiim utahay iney bulsha walba fahanto mushkiladooda gaarka u ah iyo iney helaan xididka xalka dhibaatadooda.
waxaa lagama maar maan ah in bulsha kasta isku xil saarto sidii ey uwada noolaan lahaayeen, si nabad kudheehan tahay, wada jir ah, xasiloon, sif ey uwada hormariyaan dhamaan adeeg yadda ey u baahan yihiin, sida caafimaadka, wax barashada, jidadka bulshadu iskaga kala gooshto, biyaha nadaiifka ah iyo adkeynta wada noolaan shahooda.
Wacyi galintu waxey korisaa caqliyadda, maskaxda iyo fahamka bulshada, mandiqad kasta waxaa jira dad kunool, wada noolaan shaha bulshadana waxaa kadhasha falgal bulsho, falgal kastana waxaa kadhasha natiijooyin kala duwan, natiija kastana waxey kaduwan tahay mida kala (natiijada kale), waxaana macquul ah ineysan isku si uwada arkin natiijooyinka bulshada kunool mandiqadaas, sidaa darteed waxaa ka imaan kara ficilo laga yaabo iney wax udhimaan wada jirka iyo wada noolaanshaha dadka, sidaa darteed waa lagama maarmaan in dadka lagu baraarujiyo muhiimadda dulqaadka, samirka iyo ineysan qeyb bulshada kamid ah u arag danta qeyb ayaga kamid ah dhibaato, sidaa owgeed wacyi galintu waa bare bulsho oo muhiim ah, waana qalab iftiin ushida wada noolaanshaha dadka/bulshada.
0 Comments