Latest Article

6/recent/ticker-posts

Holaca Qabyaaladdu waa laba afle.

 

Free Picture



Dunidu waxey tiigsaneysaa meerayaasha iyo hawada sare, waxey ku tartameysaa aqoon, ilbaxnimo, teknoolajiyad, nabad jaceyl, dunidu maanta wey kagudubtey xiligii jahliga iyo dib udhaca, waxaa lamarayaa xilli dunida guudkeeda qoloba si ugaartey, balse si kasta oo dunidu hormarkaas ugaadhey, hormarka iyo ilbaxnimadu meel kasta macamiimin ama magaarin.

Africa inkasta oo eysan isku mid wada aheyn, hadana waa meel dunida horumartey ey ubaratanto sidii ey umaamuli lahaayeen, dunita tagtey waxey xusul duub ugu jirtaa kala jiidashada xoogga iyo hantida Afrika, qaarada Afrika waa meel dihin oo kheyraad fara badan kabuuxo, balse dadka Afrika magaarin aqoonta dunidu maashey ee dhulka guudkiisa iyo gudhiisaba hantidii ceegaagtey ku dheef sadeen, dadkoodana gaarsiiyeen heer isku filnaansho, sida aqoonta, caafimaadka, cadaaladda, kahortagga isir faquuqa, isku heynta iyo wada jirka ummadda, dowlad wanaagga, dhismaha jidad haggaagsan iyo wax wada lahaansho buuxda oo ey kukal soonyihiin lahaanshahooda. 

si kastaba, dalkeeena Somalia, waa dal dhaca geeska Afrika, waa dal dadkiisu isku mid kayihiin dhaqanka, diinta, afka iyo dhamaan caadaadka bulsho, waa dal leh kheyraad fara badan, waa dalka ugu xeebta dheer dalalka geeska Afrika, waa dal leh bad, bari iyo bar intaba, waa dal alle SW kumaneystey nuucyada kala duwan ee xoolaha; sida geela, ariga, lo'da iyo sidoo kale xoolaha kale ee  laxanaaneysto, sida fardaha iyo dameeraha, dalka Somalia waa dalka lixaad ee ugu shidaalka iyo saliida badan dunida sida lagu ogaadey daraasad dhawaan lasameeyay, waa dal leh 2 (laba) wabi oo waa weyn, sidaas oo ey tahay dalka Somalia maanta oo lamarato qarnigii 21 aad, wuxuu kamid yahay kuwa ugu dib dhacsan dunida iyo gaar ahaan Afrikaba, dalku malahan dowlad adag oo dalka oo dhan wada xukunta gacantana kuheysa.

dalka waxaa aafeeyay dagaalo sokeeye oo aad udaba dheeraadey, kudhawaad 30 sano oo xiriira ayuu dalku ladaalaa dhacayaa fowdo iyo guul darooyin bulsho oo xiriira taasoo ku aadan sidii ey udhisan lahaayeen dowlad adag oo dalka oo dhan isku heysa, bixisa adeeegyadii bulsho ee loo baahnaa, sida biya nadiifa, jidad wanaagsan, isbitaalo, faya dhowr iyo hubinta tayada waxa dalka soo galaya, dalku wuxuu noqdey qashin qubka daawooyinka dhacay iyo raashinka kubaarey bakhaaradda shirkadaha waa weyn ee quutal daruuriga soo saara ama dhoofiya.

waxaas oo mushkilad ah waxaa usabab ah waa qabyaladda oo dalka kanoqotey waxa kaliya ee lagu faano, waxa kaliya ee aan laga xishoon, waxa kaliya oo qof walba magansado, qabyaaladdu waxey noo badashey diinteenii, dowladnimadeenii, waxaa meel kasta lasudhey calan loo ekeysiiyay dowlad balse ah baaq mutuxan oo qabiilka lagu kulmiyo. qabyaaladdu waa cudur sida cancer ku ukala jaro xubnaha banii aadamka oo kala ubaabi'ya wada jirka iyo nolosha bulshada, qabyaaladdu waa falaadh 2-ba afle ah oo aan cidna kabad baadeyn musiibadeeda, kan kufaanaya iyo kan lagu dhibayaba waa uwada dhib, waa mindi qofku isla dhacayo, waa holac iyo musiibo aan waxba reebeyn, waa cudur kadaran abaarta baabi'isa deegaanka, waayo deegaanka waxaa nooleeya roobka, waana musiibo ey fududahay in laga bogsoodo, isla markaana sifudud lagu halmaami karo, balse qabyaaladu waa cudur jara meesha uu galo, maskaxda qabyaaladdu gashey waa meyd mana lahan dareen bani aadantinimo iyo shinsi dadnimo.

Cudurka qabyaaladdu bulshada dhaxalsiiso waxaa kamid ah, cadaalad darridda, isir faquuqa, kala tag bulsho, qabka bulshada oo luma, dadkeena Soomaaliyeed xitaa waxaa kadhamaadey qayimkii bulsho, dadkeenuna waxey gaareen iney udhaqmaan sida xawayaanka oo kale, dadkeenu waxey gaareen iney iyagu kala ganacsadaan oo qeyb bulshada kamid ah inta la afduubto oo meel lagu soo xidho madax furasho lacaggeed laweydiisto, dadkeenu waxey gaareen heer ey kala aamin baxaan oo ey noqdaan kuwa ukala carara cadaawahooda, ayagoo qeybteeen beybta kale isku dayeyso iney dhibaateyso.

Post a Comment

0 Comments