Latest Article

6/recent/ticker-posts

Dib udhaca qabyaaladdu dawa maleeyahay?

Free Picture


Aduunyaddu maanta waxey ukala baxdey seddex qeybood, qeybta koowaad waa qolo aqoon iyo ilbaxnimo kuhubeysan, waa dad gartey dantooda gaarka ah iyo baahida bulshadoodu uqabaan horumarinta adeegyadda lagama maar maanka ah u ah nolosha bulshada, waa dad go'aansadey iney dunida inteeda kale tusaale unoqdaan, iney jaan gooyaan siyaasadaha dunida inteeda kale lagu hago, ummad indheer garad ah leh aragti fiyow iyo maskax caafimaad qabta, waa dad go'aan kugaarey in dalalkoodu noqdaan meel umadaha kale ubaahan yihiin, meel caafimaadka, shaqada, dalxiiska iyo aqoontaba loosoo doonto, dadkaani waa kuwa diley isla markaana toogtey xididka xun ee qabyaaladda, waayo qabyaaladdu waa cudur ummadaha indhaha iyo dhegahaba tira.

Qeybta 2aad, waa kuwa soo yara kacaya, balse tubta hormarinta iyo dariiqeedaba kameersada kuwa aan kor kusheegney ee caada sare galey, tani waa duni jiilka labaad ah oo aan gaarin aqoon kufilan, balse waa duni heerar kala duwan leh, sida kuwa loo dajiyo dhabbadda hab nololeedkooda, sida siyaasadda, waa kuwa aan inta badan cabiri karin rabitaankooda saxda waayo waa ummad baahan oo tuugsada asagoodii shalaey soo xirey cudubyadda kala dhantaal naanta.

Sanfigaan waa garoon xasaasiya oo arimihiisu fara badan yihiin, waa heer dadku muuq guud kawada siman yihiin, waa goob kan xun iyo kan quman intuba heystaan fursado isku mid oo ey kusameysan karaan taageera yaal bulshada kamid ah, balse majiraan tiirar rukuman adag leh oo kala xadidada nuucyada kala duwan ee shaqsiyaadka, halkaan qabyaaladdu saameyn weyn ayey kuleedahay, waxaana kamid ah raadadka muuqda ee qabyaaladdu ku dhexleedaha bulshooyinkaan, faqriga, kala xirnaanta siyaasadda, dhaqaalaha liita ee dalalka nuucaan ah, hugaamiya yaal kursiyadda madaxtinimada kajecel nolosha bulsha idil, fara galinta baahsan oo shisheeyaha, naas nuujinta fursadaha sida wax barashadda, xilalka iyo shaqada.

Qeybta seddexaad;- waa tan ugu liidata, tusaale ahaan dadyowggaan maba aha kuwa og waxa dunida inteeda kale kajira, sababta ugu weyn ee araintaan sababi karto waa ineysan aheyn bulsha leh adeega yaal u darban haqab tirka baahiyahooda gaarka ah ee deegaan, waa bulsho baaba'dey oo jahligu biyo dhigtey, waa ummad tusaale u ah liidnaanta iyo nuxur daridda dunida guudkeeda taal, waa ummad qabyaaladdu kadhigtey indhoola yaal, waa ummad qabyaaladdu dhegaha owdey, waa ummad qabyaaladdu lahartey, inta baddan umadaha nuucaan oo kale ah mayaqaanaan dan guud, cisbitaal lagu daweeyo, iskuul iyo jaamacad wax lagu baro iyo xitaa aqoon yahan u adeegga midna madhowraan, waa dilaa yaal udhaqma sida dugaagga oo kale, waa dadka daaha wasaqeysan ee qabyaaladdu kaqariyey wax wada lahaanshaha iyo tiigsashada ilbaxnimda iyo aqoonta dunida inteeda kale gaartey.

        

    si kastaba, dib udhaca qabyaaladdu waa cudur dilaa ah, waa musiibo aan nasabiyad laheyn, waa shar kuwa xumi gabaad sadaan, waa masraxa kuwa cadaaladda neceb isku uruursadaan, balse waxaa shaki la'aan ah in cudur kasta daawo leeyahay, walow qabyaaladdu tahay sida H/I/V Aids oo kale, balse waa aids daawo leh, waxaana udaawa ah aqoonta, imaanka, alle kuxirnaan shaha, waxaa bulshada looga dhex saari karaa wacyi galin joogta ah, qabyaaladda geedkeeda waxaa lagu duraa daawada aqoonta, waxaana dura oo daaweeya aqoon yahanno leh mabaadii' iyo qayim, aqoon yahanno doonaya iney badbaadiyaan bulashadooda, si fudud waxaan udhihi karaa qabyaaladdu waa jahli, dawadiisuna waa aqoonta iyo ilbaxnimadda.



Post a Comment

0 Comments