Free Picture |
Sida aan wada ognahay dal walba wuxuu leeyahay ubax keyd u ah, yacnii jiilka soo koroya waa qeyb kamid ah kheeyraadka wadan leeyahay, sidoo kale dal kasta waxaa jira dad u ah muunad (Role Model), dadka muunadda ahi waa barbaariya-yaasha ubaxa dalka, waayo jiilka maanta waa huggaanka iyo howlwadeenada barito, sidaa darteed kuwa muunadaa waxey ababiyaan badalkooda mustaqbalka, hadaba maanta waxaan doonayaa inaan da,dayarta dalkeyga aan usoo bandhigo kuna dhiira galiyo daraaasad laga sameeyay dalka INDIA oo kusaabsan muhiimadda dhalintu ummadooda uleeyihiin, taasoo anagana si wada jir ah noogu dhiira galineysa inaan dalkeena badbaadadiisa uwada kacno.
Daraasadaan oo loo adeegsadey habab kala duwan oo isku qasan, sida in daraasadda lagu saleeyay laba ilood oo kala ah (A) in xogta laga soo uruuriyey qoraalo ey sameeyeen dad aqoon yahano ah, warbixino cilmiyeysan, dokumentiyo ladabacay iyo kuwa aan ladaabicin balse laga soo dheegtey meelihii lagu keydiyey iyo maqaalo kala duwan (articles), (B) sidoo daraasadda waxaa lagu saleeyay xog laga soo uruuriyey su,aalo kala duwan dadka kunool isku raranka Degmadda KANGRA ee gobalka HIMACHAL PRADESH and indha indheyn lagu sameeyay ardeyda wax kabarata Jaamacadda isla gobalkaas. qeybta danbe daraasaddu waxey isticmaashey habka suaalo weydiinta (Quesinnaire data collection), kuna saabsan heerka wacyi galinta ee dhalinta iyo dadaalkooda ey uga qeyb qaadanayaan ilaalinta deegaanka, sifa loo helo deegaan cagaaran oo caafimaad qaba.
Sikastaba, saaxibyaal, nadiijadu waxey cadeysay in dhalintu ey si aad ah ugu baraarugsan yihiin ugu diyaarsan yihiin iney door aad uweyn kuyeeshaan ilaalinta iyo dhowrista deegaanka, sida iney kaqeyb qaataan howlaha dhir beerista, dib uwarshadeynta qashinka deegaanka suurad xumeeya sifa qashinkaas mar kale dib looga faaiideysto, nadiifinta deegaanka, isticmaalka tamarta cagaaran, sifa looga hortago jarista dhirta iyo wixii lamid ah, daraasaddu waxey daaha kaqaadey in ka-qeybgalka dhalinyaradu ee howlaha deegaanka ey saameyn dogan kuleedahay bulshada.
Daraasadu waxey xooga saareysaa doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu kuleeyihiin ilaalinta deegaanka iyo kartidooda si ay udhaqaajiyaan dadaalada ilaalinta deegaanka ee bulshada. daraasaddu waxey kutalineysaa in siyaasad dejiyayaasha iyo daneeya yaasha labaduba ay mudnaanta siiyaan ka-qeybgalka dhalinyarada ee howlaha ilaalinta deegaanka oo ay bixiyaan taageerada lagama maarmaanka ah si ay ugu suurtagasho in ay gacan gageystaan mustaqbal waara.
Hadaba, hadaanunahay dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta iyo deegaan kasta oo aan joogno, maanta waxaan kawada dheregsannahay dhibaatada xaalufinta dhirtu dhulkeena kuheyso iyo wacyi galin la,aanta bulshadeena ee dhanka deegaanka iyo isdhexgalka walaaltinimo ee bulshadeena, taasoo nooga baahan inaan dheecaankeena, maskaxdeena iyo maalkeenaba uhurno soo nooleynta caqliyadda bulshadeena sifa aan uhelno deegaan cagaaran oo caafimaad qaba, deegaan qurux badan oo soo jiidasha leh, deegan ay kusoo hirtaan dalxiisa yaasha dunida kaasoo sidoo kalena anfacaaya jiilashada danbe.
0 Comments