Latest Article

6/recent/ticker-posts

Kuwa qabyaaladda kamacaasha iyo dameerku waa isku damiir.


Free Picture

Free Picture
 









 


 Xumaa Qabyaaladdu waaba marato aan waxba reebeyn, qaab daranaa maskaxda qabyaaladdu degtay ileen waa gurigii jahliga, ileen waa adeegayaashii sheydaanka, qurun iyo halaag badnaa qabyaaladdu ileen waa musiibo holceysa oo leefata ah, dadka qabyaaladdu degtey waa kuwa aduunka ugu ayaanka iyo nasiibka daran, waa kuwa aduun iyo aakhiraba seegay, waa afku kudhiigla yaal aan  allaah SW kacabsan, nabigiisana aan kusalin, waa dad aan cawaaqibka waxa ey camalka kadhhigteen kafikirin, waa kuwa qabyaaladda kadhigtey tiirarka jiritaankooda iyo beeraha ey kagurtaan calafka noloshooda, balse calafka laga helo qabyaaladda waa uun alle kafogaansho, waayo kuwa qabyaaladda kamacaasha shaqadoou waa isku dirka, kala geynta iyo warxuma tashiilka dadka islaamka ah ee alle SW kala xarimey dhiigooda, cirdigooda, sharaftooda iyo maalkooda.

         

Hadaba waxaan is weydiiyaa "kuwa kamacaasha qabyaaladda iyo xawayaanka dameerka layiraado ma is garasho iyo garaad dhaamaan"?. 

dameerku waa xawayaanka miskiin ah, aanan danbi laheyn, macaash fara badan laga helo, balse xawayaan ahaan marka aan bar bar dhigno, xawayaanadda kale, waa kan ugu ixsaanka iyo naxariista daran, waana kan ugu hungurisan uguna cuntada jecel, sidoo kalena manoqdo rabaayad rarashadiisa lagu raaxeysto ama la isku haleyn karo, waa bahal aad ukibir badan wax kastana kasuurta galaan, haduu rabo adoo isku haleyneysid rabaayad nimadiisa ayuu haraanti beerka kugu jarayaa, sidaas oo ey tahayna waa larartaa oo waa noole faaiidooyin badan leh. taa badalkeeda dadka kunool harka qabyaaladda waa kuwa damiirka dadnimo xoorey/lumiyey, waa dad kagaraad iyo caqliyad liita xawayaanka aan kor kusoo sheegay ee ilaaheyba uu kadhigey midaan waxba kala saari karin, jaahil ah waxna aan aqrin waxna aan qorin, waayo bahalkaas miskiinka ah illaahey wuxuu kadhigey noole aan wax danbi ah laheyn, ilaaheyna xawayaanadiisa laba ayuu kadhigey, 1. kuwa wax garta (Banii aadamka) iyo 2. kuwa aan waxba kala saari karin (xawayaanaadka caadiga ah, sida geela, ariga, lo,da iyo dameeraha iyo wixii lamid ah).

Hadaba ilaahey SW markuu qabiilka noosheegaayey wuxuu yiri oo kaliya "qabiilka isku barta", balse alle nama oran "qabiilka isku naca, isku colaadiya, isku xasda, kukala taga, isku xadgudba, isku qabyaaladeya, iskugu carooda iyo wixii lamid ah, hadaba dadka alle kitaabkiisa wax walba ugu cadeeyay, sidoo kalena alle SW rasuul usoo direy kaasoo soo gaarsiiyey adilo kacadcad oo kabayaansan iftiinka cadida 15 ah, ee diidey kalaamka alle sw iyo fariintii rasuulkiisa Muxammed ah nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, dadkaas miyaa garasha dheer dameerka?. Hadaba maxey iskaga mid yihiin kuwa qabyaaladda iyo qabiilka huriya iyo dameerku?.

Dameerku kama fakaro wax hormar ah, waxaa udaran oo kaliya qadadiisa iyo cashadiisa yacnii cowska iyo biyaha, sidoo kale kuwa qabyaaladdu dilootey kama fikiraan mustaqbal, cudud kumideysan, dan qaran, dowlad dadka u adeegta, dad aqoontoooda kucaana maala, cadaalad, wada jir ummadeed oo nabad kuwada nool intaas oo dhan kama fikiraan, kaliya waxey dabka kushitaan dhiigga daadanaya iyo dhibaatooyinka daaha ama jiitama ee bulshda dhexdeeda kajira. qabyaaladeyste waa adeege sheydaan waana dal dumiye, waa diin beeniye waana daalim aan axdi laheyn.

hadaba su,aashyeda ugu danbeysa waxey tahay, qabyaaladdu maxaaraanbaa maadaamaa aan diinteena islaamu ogoleyn? hadey sidaas tahay maxaa diidey in culimaddu kacaan oo ddoorkooda qaataan, bulshada Soomaaliyeedna kawacyi galiyaan raadadka xun ee yabyaaladdu kureebtey iyo waxa kadhalan kara?. 

 

Post a Comment

0 Comments