Latest Article

6/recent/ticker-posts

Noqo geesi kudhiiran huggaaminta naftiisa

 

Mine

Monoqon kartid mid guuleysta ilaa aad noqoto mid huggaamiya naftiisa, kama talin kartid samaha ilaa aad naftaada xumaha kareebto, manoqon kartid huggaamiye bulsho ilaa naftaadu aqbasho iney huggaansanto, ugu horeyn naftaada wanaagga kutarbiyey, kadhig mid alle udhow, xarigiisa heysata, wixii uu kareebay kareebtoonta wixii uu fareyna fartoonta.
maskaxdaada kala dhanbal, oo kadhig mid indha badan, mid dhega furan, mid ilbax ah, mid kakorta mugdiga, kadib ayey shaqsiyadaado hormareysaa, naftaadu kahor inta eysan adiga kudaalin ayada daali, nafsadaada adeeji, nafsadaada kadhig mid kuqanacsan go'aamadaada shaqsiyadeed, jeedalka iyo shaambuugga naftaada ha ahaado horumarka shaqsiyadaada. ogow naftaadu marwalba xumaha ayey daris iyo jaal latahay, naftu dhibka majecla, wanaagga wey necebtahay, balse xumaha iyo faaxishda ayey kuraaxeysataa.

naftaada kajar wax walba oo shaqsiyadaada hoos udhigaya, kadheerey wax walba oo saameyn xun kugu yeelan kara, hadheerato hase dhawaatee, nafsadaada kutarbiyey cibaadada alle SW, kana dhig mid ujaaloon una jidbeysan iney xarigga Allah SW qabsato, raacdana jidkii suubanaheena Muxammed SW, sidoo kale naftaada bar wax bixinta iyo saqinimada, kana ilaali bakheylnimada, waayo bakheylnimada waa shey aad uxun, naftaada bar qaraaba xiriirinta, ugargaaridda kuwa taagta daran ama danyarta ah.

ugu danbeyn waxaad noqotaa qof leh shaqsiyad adag, qof macno iyo miisaan bulshada kudhex leh, waxaana qofkaas kaadhigi kara sida aad noloshaada umaareyso, isla markaana unoqoto qof bulshada dhexdeeda saameyn weyn kuleh, sidoo kale qof miisaaman, samir badan, afkiisa iyo adinkiisaba laga nabad galo noqo.

Post a Comment

0 Comments