Free Picture |
Qofna madhalan asagoo sariir dahab ah kujiifa, majirto fursad ayadu gacmaha kuu fidineysa, qofna meel cidla ah kama heli karo furaha guusha, majirto qof dadaal la'aan miro macaan aduun iyo aakiro midna guranaya, balse nolosho waa harjad, waa tacab iyo safar aad u dheer, guushu meel dhow mataalo, balse waxey ubaahan tahay halgan adag, tusaale dabaq 15 biyaano kakooban markaa rabto inaa kan 10-aad gasho waxaad ubaahan tahay inaad jaranjarada dhulka kasoo bilowdo.
Hadaba sawirkaan kore waxaan usoo qaatey, tusaale markaad joogto meel hoose oo dhulka ah, aadna dooneyso inaad gaarto dusha sare ee buur ama walax sareeya ama joog dheer ah, waxaad ubaahan tahay sifa barta sari ugaadho inaad jaranrada dhulka kasoo raacdo, taas ayaa kuusuurta galineysa inaad hadafkaaga xaqiijiso sidoo kalena waxaad guraneysaa miraha dhaxalka juhdigaaga.
Hadaba waxaa hubaal ah, in noloshu loolan tahay, qof walbana intuu dabaal yaqaan ayuu hafashada biyaha kabad baadaa, sidaa owgeed qofka doonaya inuu guuleysto waxaa laasim ku ah inuu qaniinyada iyo galiilyadeedaba udulqaato (yacnii caqabadaha hardanka nolosha uu kamarayo), si kasta oo qofku uyahay mid hal abuur badan, waxaa jira kuwa doonaya iney kaniyad jabiyaan halka uu tiigsanayo, waxaa jira kuwa had iyo jeer kufoogan oo doonaya iney qodxa fara badan jidka ugu daadiyaan, si kasta oo qofku uyahay mid adkeysi badan, ku ad-adag hadafkiisa iyo hiigsigiisa, waxaa jira kuwa ayana ku ad-adeg banjarintiisa, si kastoo qof uyahay mid kusabra caqabadaha adeg ee kahor yimaada inta uu kuguda jiro xaqiijinta wax yaabaha hortabinta uleh mustaqbalkiisa waxaa jira kuwa aan ayana kadaaleyn iney ku adimaan sidiii ey uweecin lahaayeen jidka adeg ee uu haayo iyo go'aankiisa, balse waxaas oo dhan oo caqabada jiridda ayaad usiibi kartaa markaad tahay madaale miyir qaba oo leh qorshe cad xarigaaguna kuugu xiran yahay bartilmaameed cad.
Guntii iyo gunaanadkii, inaad noqoto qof mustaqbalkiisa maareeya, waxey kaaga baahan tahay go'aan qaadasho iyo inaad kutaagnaato hadafkaaga oo aadan marnaba kaweecan halka aad dooneyso inaad baroosinka dhigato, sifa aad uga dhabeyso hamigaaga, sidoo kale waxaa muhiim ah inaad leedahay jadwal qeexan, wax walbana aad udajiso mudo cayiman sifa aadan ucaajisin, jidka guushana aadan uga dhumin, hadhageysan kuwa bahluuliinta ah warkooda, haku mashquulin wax yaabaha ey isku madadaaliyaan, waayo ayagu waa reero dhalanteed noloshana hadaf iyo hiigsi midna kama lahan.
0 Comments