Latest Article

6/recent/ticker-posts

Qorshaha Bulsha Waarta, aragti cad iyo yool.

Free Picture

Qorshaha bulsha waarta waxaa bubdhig u ah yoolalka mustaqbalka kuwaas oo bulshada kacaawinaya iney xaqiijiso aragti waarta, bulshadu qorshaha nuucaasa waxey u isticmaashaa iney kudaba gasho hormarka laga gaarey yoolalka ey dagsatey ee uyaala, waxaa kujira; qorshe howleedyo kuwaasoo ey dowr kuleeyihiin dowladda, muwaadiniinta, ganacsatada, goobaha wax barashada iyo ururada bulshada. Qorshe howleed kasta waxaa loo marayaa wada hadal ey kawada qeyb qaadanayaan dadka deegaanka, waayo waa kuwa ugu badan oo hadii mashruuc lafulinayana wixii uu faaiido leeyahay helaya, hadii uu dhibkeenana dhibka ugu badan isla iyaga uunbuu kudhacaya, sidaa daraateed waa muhiim iney dadku dowrkooda kuyeeshaan wax kasta oo howl ah oo dowlad am hey,ad fulineyso. 


Sidaa owgeed, rabitaanka mustaqka iyo fahamha saameynta bulsha kasta ay kuleedahay arimaha sii jirista gobalka iyo caalamka sida fiditaanka iyo kuleylka caalamiga ah waxaa lagama maarmaan u ah in lagu saleeyo iyadoo la sameynayo qorshe bulsho oo waara, dowladaha hooosana aad loogu dhiiri galinayo:-

  • Aragti bulsho oo cad
  • Yoolal dhameys tiran sii loo helo bulsho waarta.

  • Muujiya  yaal, sifa loo daba galo oo loola socdo hormarka laga gaarey yool kasta oo   bulshadu degsatey.     
  •   Maxaa bartilmaameed noo ah?
  • Qorshe howleed.

 Hadaba waxaa qasab ah in bulshadu dareento lahaansho, sifa mashruuc kasta unoqdo mid guuleysta, sidoo kale waa in qorsha walba bulshadu aragtaa natiijadiisa, sidoo kalena dadka bulshada u adeega waa iney ahaadaan kuwa bulshadu iska soo dhexdooratey, kuna yimaada aqoontooda, kartidooda iyo howl karnimadooda, bulsha kasta oo jirta masii waari karto hadaaney horumarin dhaqamadooda, hadeyna ilaalin waxyaabaha muqadasaadka ah ee uqoran, waayo marka qofku leeyahay muqadasaad uu ilaaliyo wuxuu ahaanaya qof jira lehna miisaan dadnimo iyo caqiido diiniya, caqiidada qofka ayaana ah tiirka koowaad ee jiritaankiisa, hadii kaas lawaayana wax qofkaas uu gaari karo oo hadafa ama horumar ah maba jiraan.


Post a Comment

0 Comments