Latest Article

6/recent/ticker-posts

Banii aadantinimadu waa qayim nasabnimo

 

Fee Picture


Banii aadantinimadu waa dareen naxariis badan kaasoo ey wadaagaan dadku, waa shucuur kulmisa qayimka insaaniga ah, waa calaamad muujineysa tayada banii aadantinimo waana xarig leh dun xariira oo xambaarsan naxariis iyo dhimrin. waxaa jiro tiirar aas-aas u ah insaaniyadda, kuwaas oo ah halbeegga lafdhabarta u ah banii aadantinimada, sida sharafta, bulsho nabad ah iyo cadaaladda.

Hadaba, banii aadantinimadu waa shey aad muhiim ugu ah jiritaanka insaanka, waa dareenka dhowra ama ilaalinaya sharafta iyo nasabiyadda qofka, ayadoon loo eegeyn jinsi gooniya, qabiil gaar ah, qoys ama jinsiyadda uu wato, hadaba diinta islaamka aad ayey udhowrtey banii aadantinimada waxeyna siisay qiimeynta ugu sareysa waayo diinta islaamku waa nabad, cadaalad, sharaf iyo sinaan, waana afarta qodob ee insaaniyaddu kudhisantahay. sidaa owgeed Alla SW wuxuu yiri (وَلَقَد كَرَّمْنَا بَنِي ءَادَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي البَرِّ وَالبَحْرِ وَرَزَقَنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلنَاهُم عَلى كَثيرٍ مِّمَن خَلَقْنَا تَفضِيلاً) yacnii Alle wuxuu leeyahay dhab ahaantii banii aadamka waan karaameyney, waxaanu kuxambaarney bad iyo bariba, waxaanu ku arzaaqney waxyaaba wan wanaagsan, waxaanu kafadilney in badan oo makhluuqeena kamid ah. yacnii islaamku insaanka aad ayuu usharfey, wuxuu kusharfey caqli, wuxuu siiyey madaxbaani uu waxna kudiido waxna kudoorto, islaamku wuxuu diidey wax kasto isir sifeyn ah amaba isir faquuq ah, ilaaheyna sharaf iyo karaamo ayuu ku deeqay ilma aadan, (banii aadamka).

Ilaahey inaaska wuxuu awood usiiyey isticmaalka bad, bari iyo cirka, taasi waa qeyb kamid sida alle sw adoomadiisa ugu gacan furan yahay, oo uu ugu sakhirey waxaan awoodoodu qaban karin, ilaahey wuxuu kumasruufey waxyaaba aad uwanaagsan, mac-macaan leh, kuleel leh, qabow leh yancii sidey doonaan ey ufaakiheysanayaan waayo waa awooda alle sw iyo siismadiisa, waana sida uu ilaahey sw nooga fadiley makhluuqa intiisa kale. sharafta alle SW kumaneystey insaanka waxey kulmineysaa xuquuq iyo waajibaad, micnaheedu waa nimca kaste oo alle sw nagu deeqo inaan kushukrino waayo markaan kushukrino nimcooyimka alle nagu masruufey wuu noo siyaadin. sidoo kale dadka oo dhan alle uun baa kaligi abuurey, mana jiro qof oran kara aniga ayaa dadka ka Alle wanaagsan waayo alle sw waaba kaligii ku' koonka kula tartamana majiro waana kan sharafta badan, naxariista badan, maqalka badan, meel kasta jooga, markasta jooga, aan daalin, aan baahan, aan seexan, waan kan awoodda badan, wuxuu doono sameeya sidow doonana usameeya, sidaa awgeed qofkasta siduu ufikirayo waa mid alle ugooni yeelay, qof walba waa inuu asagu huggamiya hadafkiisa iyo aragtidiisa kuwajahan jaan goynta mustaqbalkiisa.

ugu danbeyn, qof walba asagaa umadax banaan habka iyo qaabka aw unoolaanayo, habdhismeedka labiskiisa, maareynta qoyskiisa, ilaalinta caqiidadiisa iyo iimaankiisa, qofna kama fursad badna qof kale, balse siduu ruux walbaa umaareeyo waxa kuxeeran ayuu guulihiisuna kuxiran yahay.

Post a Comment

0 Comments