free Picture
Inaa nahay dhashii Nabi Adam CS, waa nimco weyn oo allah SW nagu maneystey, ilaahey wuxuu na- abuurey anagoon jirin, wuxuu naga soosaarey dhabarka aabayaasheen, wuxuu naga uumey isku tagga labadeena waalid, (hooyo iyo aabo), wuxuu marsiiyey abuuristeena marxalado kala duwan, asagoo awooda inuu sakan nagu beero, balse si aan ugu cibra qaadano awoodiisa iyo cilmigiisa ayuu xaaladahaas kaladuwan ina marsiiyey, Aabo Aadam alle SW, carrada ayuu ka uumey, hooyo Xawana Feertiisa, micnaha kujirana waa inaan nahay banii,aadam, hadaba halkaan ayaan doonayaa inaan kusoo bandhigo sikooban, 4 kamid ah qiimaha banii'aadamka ugu muhiiimsa;-
1. Xushmadda:- Xushamaddu waa qiimo aas-aasiya oo tilmaamaya ama muujinaya tixgalinta iyo qadarinta baahiyaha, Nabigeena suuban NNKH asagoo nabaraya qiimaha qadarinta iyo dhowrista dariska wuxuu naleeyahay sidaa (١.وجعل النبي صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إكرام الجار من كمال الإيمان، فقال صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ» رواه البخاري وفي رواية لمسلم: «فَلْيُحْسِنْ إِلَى جَارِهِ» ولأحمد «فَلْيَحْفَظْ جَارَهُ». وفي حديث آخر: «وَأَحْسِنْ إِلَى جَارِكَ تَكُنْ مُؤْمِنًا» رواه أحمد. وَقَالَ عُمَرُ بْنُ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ مِنْ حَقِّ الْجَارِ أَنْ تَبْسُطَ إلَيْهِ مَعْرُوفَك).
tusaale hadaan ahaano dad laasima alle kacabsiga, iska reebno wuxuu naga reebay sidoo kalena aan qabsano xarigiisa wuxuu na amreyna aan qaadano waxaanu noqoneynaa dad naftooda udaacada oo ilaaliyey xiriirkii rabbi SW kala dhexeeya, waana tan daacadnimadda ugu wanaagsan, midaas ayaana sharaf iyo karaamo kuleenahay.
3. Garabsiinta;- Garabsiintu waa ey kala duwantahay macna ahaan, tusaale inaad qof dhiban oo caawimaad ubaahan garab siiso waa gacan iyo garabsiin, inaad qof dulman oo cadaalad ubaahan kugarab joogsato inuu xaqiiisa helo waa garab istaag, inaad mid wax dulminaya dulmiga kahor istaagto oo xaqa usheegto una nasteexeyso waa garabsiin, nabigeena Muxammed SC wuxuu yiri (آنصر أخاك (ظالماأومظلوما, ugargaar walaalkaa haduu gardaran yahay iyo hadii laga gardanyahaba, taasoo natuseysa muhiimadda ey leedahay gacan qabashadda xaqa la isku gacansiiyo, qiimaha ey leedahay cadaalad uraadinta kuwa taagta daran ama ladulmiyey, sidoo kale Allah SW wuxuu yiri (ANIGU DULMIGA NAFTEYDA WAAN KAXARIMEY ADINKANA WAAN IDINKA XARIMEY), sidoo kale alle qofna madulmiyo, balse dadka ayaa ah kuwa dulmiga jecel, siwalbaba isgarabsiintu waxey naga caawineysaa inaan si wada jir ah uga gudubno caqabadaha nolosha oo dhan, isla markaana aan noqono kuwa wada jira, isku duuban iyo bulsho horumarkeeda si daacadnimo leh uga wada shaqeysa.
4. Masuuliyadda;- Masuuliyaddu waa kartida aan ku qaadan karno cawaaqibka go'aamadayada iyo ficiladayada, waa kartida aan kudhowreyno si wada jira danta guud, waa kartida aan ku sumadeyn karno dhowrista dadnimadayada anagoo muujineyna isla xisaabtan iyo daah furnaan, Allah SW markii uu kahadlayey masuuliyadda weynankeeda wuxuu yiri sidaan;- (.قال تعالى، إِنَا عَرَضنَاالأَمَانَةَ عَلَى اَلسَّمَوَاتِ (وَاَلأَرْضِ وَاَلْجِبَالِ فَأَبَينَ أَنْ يَحْمِلْنَهَا وَأَشْفَقْنَ مِنْهَا وَحَمَلَهَاْاَلإِنْسَانُ إِنَّهُ كَاْنَ ظَلُوماً جَهُولاً. yacnii masuuliyadda cir iyo dhulbaa diidey, waxaana qaadey dadka jahli dartii, ayadaani waxey nabareysaa in masuuliyaddu tahay shey aad uweyn, kaas oo ubaahan in si daacadnimo leh loo dhowro, una baahan aqoon iyo karti, sidaa awgeedna ey waajib nagu tahay inaan dhowrno masuuliyadda bulsho mid guud iyo mid gaaraba.
ugu danbeytii, nabigeena suuban SCW, wuxuu xadiithkaan noogu sheegaya in masuuliyaddu tahay mid la is weydiinayo oo aan la iskaga hareyn, xitaa qof kasta howsha meesha uu kahayo masuuliyadeeda laweydiinayo, xitaa haweyneyda in guriga ninkeeda wax laga weydiinayo yacnii sidey ugudatey masuuliyadda guriga, sidaan ayuuna yiri suubanuhu SW(وقال النّبيُّ صلّي الله عليه وسلّم، كُلُّم رَاعٍ وَّمَسْئُولٌ عَن رَّعِيَّتِهِ، والزَّوجَةُ مَسئُولِيَةٌ عَن بَيتِ زَوجِهَا، إلى ءاخره)... sikastaba waxaan rajeynayaa inaan dhamaantayo daacad unoqon doono waajibaad keena.
0 Comments