Free picture |
Qayimka banii'aadamku waa mabaadii,da hagga ficiladeena iyo go'aa,ada nolosha, waa caqiidooyin aadaamuhu dhowro sidaad darteed mabaadii,da banii,aadamku waa caalami oo dhamaan bolshooyinka kala duwan ee caalamka daafihiisa kunool waa ey wadaagaan, inkastoo ey jiraan waxayaabo fara badan ama koobanba oo lagu kala duwanaan karo, taasna waxaa asal u ah kala duwanaanta dhaqamadaa bulshooyinka. hadaba waxaanu halkaan kusoo qaadaneynaa ilaa seddex qeybood qayimadaas kamid ah, sida Naxariista, dulqaadka iyo mahadnaqa.
1. Naxariista waa awooda ama habka qofku kudhageysto dareenka kuwa kale ee ka aragtida duwan, sifa uu ufahmo dareenkooda iyo falcelintooda, naxariistu waa shey aad muhiim ugu ah jiritaanka iyo nolosha aadanaha, dunida korkeeda hadeyna jirin naxariis isku duubni majiri karto, sidaa owgeed naxariistu waxey qeyb weyn katahay dhowrista qayimka banii,aadamka, tusaale waxaaanu usoo qaadaneynaa sida uu nabi Muaxammed u ahaa mid aad udul qaad badan oona dhageysta saxaabadiisii RWC, sidoo kalena alle SW ayaad qur'aana ayuu nabiga kuyiri sidaan:
(فَبِمَاْ رَحْمَةٍ مِّنَ اَللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَو كُنْتَ فَظًّا غَلِيظَ القَلْبِ لَاَنْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاَغْفِرْ لَهُمْ وَاسْتَغْفِرْلَهُمْ وَشَاْوِرْهُمْ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَلْ عَلَى اَلْلّلهِ إِنَّ اَللهَ يُحِبُّ اَلْمُتَوَكِّلِيْنَ). Yacnii, Naxariista eebe darteed ugu roonaaw nabi allow, hadaad ahaan laheeed ku qalbi adag oo qalafsan wey kaacarari lahaayeen, ee Alle SW danbi dhaaf uweydii arimaha aad dooneyso inaad qabato, hadii aad go'aansato arrin oo aad dooneyso inaad fuliso alle SW talo saaro waayo rabbi waa jecelyahay kuwa asaga tala saarta. aayadaan waxey nabareysaa naxariista iyo muhiimadda ey leedahay waana tiir muhiim u ah wada jirka iyo wada tashiga.
2. Mahada-naqa waa qodob qiima badan, aad uwanaagsan, cadeyn u ah garasho iyo gabnimo, waa laf-dhabarta ilbaxnimada iyo dhaqanka suuban, waana garashada iyo qiimeynta wax yaalaha togan ee aan nolosha kuheysano, waa tix galinta kuwa inna caawiya markasta ee aanu wax kunahay, nabigeena Muxammed CW wuxuu Hadith kaan nagu barayaa inaanu umahad naqno qof walba oo nolosheena wax kubiiriiya, Hadith kaan waxaan kabaran doona in mahadnaqu yahay qeyb tarbiyada wanaagsan kamid ah ( يقول النّبيّ صلّى الله عليه وسلّم، مَن لَّا يشكِر النّاس لا بشكر الله), Yacnii qofkii aan dadka caawiya, macruufka iyo ixsaanka ufala aan umahad celin Allah SW uma mahad naqo ayuu naleeyahay suubanaheenu SW. hadaba waxaanu aragnaa amaa aanu halkaan kabaraney muhiimadda ey leedahay inaadan hilmaamin qofkii kucaawiya, waana shey diiniya sidaa darteeda Mahad-celintu waxey kamid tahay tiirarka aas aaska u ah mabaadii'da aadanaha.
3. Samirka waa mid kamid ah kuwa ugu micnaha iyo miisaanka weyn mabaadii'da ugu muhiimsan qayimka banii'aadamka, sida aan wada ognahay nolosho waa caqabad ujoog, hardan, daalaa dhac, daruuf iyo diihaal kusaameelan humaagga nolosha, hadaba samirku waa tiirka adkeysiga ee shaqsiyadda qofnimadu kudhisan tahay, tacabka iyo wax soo saarka nolosha waxaa bud-dhig u ah Samirka, hadaan samir jiri laheyn xaqiiqdii nolosho ciriiri kama baxdeen, guulna lama xaqiijiyeen, sifooyinka samirka waxaa kamid ah dhowrista kala duwanaanshaha, sida dhaqamada kala duwan ee bulshooyinka, diinta, midabka iyo jinsiga, ilaalinta cadaaladda, kahortagga isir faquuqa, naceybka iyo dhowrista sinaanta bulshooyinka. Allah SW in badan ayuu quraanka kariimka nagu barey qiimaha dulqaadka, waxaan halkaan kusoo qaadanayaa qaar kamid ah aayadaha qur'aanka ee cajiibka ah;- (يقول الله تعالئ، إِنَّمَاْيُفَّى اَلصَّاْبِرُونَ أَجْرَهُمْ بِغَيْرِ حِسَاْبٍ) Alle sareeye wuxuu yidhi "kuwa samra waxey helayaan ajarkooda oo dhan asagoon xisaab laheyn yacnii aad ufara badan".
وقال تعالى أيضا. (وَلَنَبْلُوَّنَكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ اَلخَوْفِ وَاَلْجُوعَ وَنَقْصٍ مِّنَ اَلْأَمْوَالِ وَاَلْأَنْفُسِ وَاَلْثَّمَرَاْتِ وَبَشِّرِ اَلْصَّاْبِرِيْنَ)
Alle wuxuu leeyahya "waxaanu idinku idinku imtixaani doonaa wax cabsi ah oo gaajo ah iyo khasaare naf, maal iyo miro intaba leh ee nabi allow ugu bishaarey kuwa samra". Markale ALLE SW wuxuu inna leeyahay وقال تعالى أيضا. (اَلَّذِيْنَ إِذَاأَصَاْبَتْهُمْ مُّصِيْبَةٌ قَاْلُواْإِنَّاْلِله وَإِنَّاْإِلَيْهِ رَاْجِعُوْنَ) "kuwa markey dhibaato kudhacdo yiraahda xagiisa yacnii xaga rabi yaanu unoqoneynaa". saaxibyaal waxaanu aayadahaan kabaraneynaa ahmiyadda uu aadana samirku uleeyaha, sidaa awgeeda, waxaan nafteyda iyo naftiinaba kula talinayaa inaan samirka iyo dulqaadka badino dhibkasta oo nagu dhaca, waayo waxaan alle nooqorin naguma dhacayaaan. mahadsanidiin, wixii arargti ah fadlan faalada nagula wadaagga.
0 Comments