Latest Article

6/recent/ticker-posts

Dhalinyarada iyo siyaasadda.

Free Picture


    

Inkastoo dunita maanta uu iska yaryahay doorka dhalinyaradu kuleedahay huggaanka caalamka, hadana faltanka siyaasadda iyo doorka dhalin yaradu waa tu umuhiim ah caalamka, waayo bulshadu maahan sida dhagaxa ama buuraha oo kale tu' iska taagane waa mid hadba is badasha, sidaa darteeda doorka dhalinyarta tixgalintiisu waajib bey kutahay dhammaan huggaamiya yaasha caalamka.

 Hadaba maxey tahay muhiimadda ey leedahay dhiira galinta, sara uqaadida iyo awoodeynta doorka dhalinyarada ee siyaasadda?. 

Maqnaanshaha doorka dhalinyarada ee kaqeyb qaadashada siyaasadda iyo miiska lagu go'aamiyo arimaha masiiriga ah ee dal, waxey kadhigan tahay in qeyb weyn oo bulshada kamid ah maqantahay, dhalinyaradu waa isku xiraha bulshada kuwooda horey ubatey ( duqoobey) iyo kuwa soo baxaya, waayo dadku waa sida dhirta oo kale, wey dhashaan wey gaboobaan, deetana wey dhintaan, sidaa owgeed dhisidda dhalinyaro ilbax ah, awooda go'aaminta qaran dhan iyo haggidda masiir ummadeed oo aqoon iyo waayo aragnimo kuhubeysan waa muhiim waana lagama maarmaan.

 Hadaba doorka dhalinyaradu maxow yahay?.

● Dhalin yaradu waxey door muuqda kuyeelan karaan sameynta xisbiyo siyaasiya, sidoo kalena waxey kaalin buuxda kaqaadan karaan huggaanka caalamka.

● Dhalinyaradu waxey bud dhig unoqon karaan ilaalinta sharciga, cadaaladda, isir faquuqa, hakor tagga nabaad guurka iyo ilaalinta deegaanka.

○ Dhalinyaradu waxey qeyb weyn kaqaadan karaan kobaca dhaqaalaha ee dalalka soo koraya iyo xoojinta guulaha lagaarey.

○ Dhalinyaradu waxey tusaale buuxa uyihiin guulaha dhan walba leh ee ay gaareen dalalka horumarey sida kuwa reer GALBEEDKA.

○ Dhalinyaradu waxey hormuud unoqon karaan hagaajinta adeegga bulshada sida wax barashada, caafimaadka iyo daryeelka guud ee bulshada.

○ Dhalinyaradu waxey kaalin libaax leh kaqaadan karaan kahortagga colaadaha, nabad dhalinta iyo nabad ilaalinta.

  Sidaas awgeed, huggaamiya yaasha dalalka, kuwa siyaasadda sameeya, kuwa saxaafadda madaxa banaan huggaamiya, kuwa dhaqanka iyo caadooyinka looga danbeeyo, ganacsatada, kuwa huggaamiya xisbiyadda siyaasadda, ururada haweenka, huggaamiya-yaasha diinta iyo dhamaan qeyba kala duwan ee bulshada waxaa lagama maarmaan ah iney taageero buuxda siiyaan jiilasha soo koraya.

Post a Comment

0 Comments