Latest Article

6/recent/ticker-posts

Dhalinyaro aqoon leh ayaa qaran dhidba

Free Picture



 Warbixinteydaan caawa waxaan doonayaa inaan kuqodbo muhiimadda ey leedahay awoodeynta iyo uhagar bixidda dhalinyarada, waayo hantida maguurtada ah ee qurumuhu iskugu faanaan waa jiilasha soo baxaya, dal walbana inta wax soo saarkiisa dhalinyaro iyo tayadoodu la egtahay ayuu laqiimi yahay marka lajoogo masraxyada caalamka.

Hadaba soo saaridda da'yar aqoon tayo sareysa leh kuqalabeysan waa muunadda ummadi leedahay iyo dal kufadhiya mustaqbal nuuuraya oo tiirarkiisu sugan yihiin, inaad hubiso dhismaha mustaqbal sugan oo ummadeed waxaa asal iyo gundhig u ah soo saaridda jiilal utaagan muujinta doorkooda, sida iney kaqeyb qaataan huggaaminta dal dhan, difaaciisa, u adeegidda bulshadooda iyo ilaalinta qabkooda ummadnimo.

Marka hore se waxaa waajib ku ah waalidiinta, huggaanadda siyaasadda, kuwa ganacsiga kala wada, kuwa bulshada udhaq dhaqaaqa, dhaqaatiirta iyo culimaa'u diinka iney uhagar baxaan jiilasha soo koraya, waayo waa kuwii barito badali lahaa, waana awlaadoodii, sidaa darteed, hadii dhalinyaradu hesho aqoon tayo leh, tarbiyad dhameystiran, sidoo kalena ey bartaan sooyaalkooda, waxey awood uyeelan doonaan iney kaqeyb qaataan go'aamadda masiiriga ah ee dalkooda, waxey u adeegi doonaan si hufnaan iyo howl karnimo ah kuwa ayaga kadanbeeya, waxey ahaan doonaan kuwa aan dayoobin asalkoodana yaqaana, waxey noqon doonaan kuwa kafeel jigan dhagaraha cadowgooda, waxey heli doonaan kalsooni buuxda oo ey naftooda kuqabaan.

   Dhalinyaradu waa sida indhaha dadka oo kale, marka neerfayaasha madaxu caafimaad qabaan, aragga indhuhu wuu wanaagsan yahay, balse marka neerfayaashu xanuunsan yihiin aragga ishu waa daciif, sidaa oo kale markey hooseyso aqoonta da'yartu waxaa gaaban hab fikirkooda, waxaana adag iney noqdaan kuwa qadiyad dhaba xambaarsan, waxaa fudud in maskaxdooda labadalo wixii ladoonana lagu shubo, meelaha dal madax banaan laga soo weeraro waxaa kamid ah in loo adeegsado qeyb kamid ah jiilashii uu kudhaaran lahaa, runtii masahlana in qof iimaan adag iyo qadiyad dhaba leh oo garanaya isirkiisa iyo dheecaankiisa laduufsado, ogow teleefanka ninka soo saaro waxaa uga aqaaon badnaan karo kan kutakhasusay cilmiga technology-ga, sidaa darteed sifudud baa kan isticmaala telefanka loo dhaafin karaa, waayo aqoontu waa awood aan cidna hor joogsan karin, hub kastana ka awood badan, oo waayo hubka aqoon yahan baa sameeyay, balse hubku aqoonta masameyn karo.

Post a Comment

0 Comments