xuquuda Sawirka waxaa iska leh University Of Glasgow
Marwalba waxaan xoogga saarnaa dhiira galinta jiilasha cusub ama soo koraya, kahortagga qabyaaladda, is dhexgalka bulshada, cadaalad siinta, sinaanta bulshada iyo dhiira gallinta nabadda iyo wada noolaansha umadeed.
Hadaba keyd kheyraadka ee ugu weyn ee dunidu maanta
heysato waa jiilka cusub ee soo koraya, sidoo kale waa isha maanta iyo tan
mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee dhaqaalaha aduunka, ummad walba xooggeedu
wuxuu la-ekaan doonaa sidey udaryeelaan, ugu dadaalaan aqoontooda, caafimaadkooda
iyo xirfad siintooda. Waa shaki la’aan cududa ummadu kufaanto inuu yahay hadba
inta uu la egyahay keydka da,yarta iyo hadba inta uu gaarsiisan yahay heerka
waxbarashadooda, hadaba halkaan Ayaan idinkula wadaagayaa xogo fara badan uu
kusaabsan muhiimadda ilaalinta jiilka maanta iyo barbaarinta kan barito, sidoo
kale waxaan rajeynaa in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdooduba xooggooda oo dhan
iskugu geyaan horumarinta dhalinta yaryar, mideynta dadkeena iyo ka ilaalinta
cadaawaha boqol aflaha ah ee meel walba naga soo haleelaya.
Dhalintu waa qeybta ugu
awooda bada bulsha kasta, lakabkaan wuxuu leeyahya tamar keydsan iyo xoog furan
oo uu kashaqeeyo, inta badan dalalka waxey gaareen heerka ugu sareeya ee
horummarka, waxeyna kugaareen aqoonta iyo kartida dhalinyaradooda, dhalintu waa
il karti ah, waxey hayaan tamar farabadan iyo awood ey habeen iyo maalinba uga
shaqeyn karaan koobaha shaqada sixirfad iyo farshaxanimo leh. Kulug lahaanshaha
da’yarta kaliya ma ahan baahida bulshada balse sidoo kale waxey muhiim utahay
laxisaabtanka hey adaha dowligaa iyo kuwa kashaqeeya arimaha bulshada.
Dhalintu aqoontooda waxey
u isticmaali karaan sida qalab ey kutoosiyaan umadooda, waxey jiheeyaan
dadkooda ayagoo toosh iftiin weyn ugu daaraya jidka hormarka, wadajirka, nabad
dhiska, laxisaabtanka madaxda huggaamisa hey adaha dowligaa ee dalku leeyahay,
waxey micno iyo dhadhan uyeelaan wada noolaanshaha bulshada, waxey cudud aan
lacaabi Karin kuyeeshaan cadaaladda uhelida kuwa dulman.
Hadaba dhalinyarada Soomaaliyeed waxey ubaahan yihiin iney isku duubnaadaan, waxey ubaahan yihiin iney isku kalsoonaadaan, waxey ubaahan yihiin iney naftooda aaminaan, xirafada kala duwan bartaan, shaqa buur awoodsan sameystaan, waxaan ubaahannahay inaan kagudubno tafaraaruqa, qolo qoloda, qabyaaladda indhaha inna tirtey ee faceen naga reebtey isla markaana aan dalkeena unoqonno tiir awood badan oo aan qabyaaladeyste, calooshi ushaqeyste iyo shisheeyaba nuuxin karin, inaan qaadano doorkeena nabad soo celinta dalkeena, mideynta iyo suulinta caqabadaha hareeyay bulshadeena, ugu danbeyna Madaxdeena waxaan leeyahay alle sw kacabsada oo dalka waan idinla leenahay ee gacanteena kusoo celsha.
0 Comments