Latest Article

6/recent/ticker-posts

Qodob kamid ah 9 sagaal qayim ee ugu Muhiimmsan banii'aadamka.

Free picture

Waxaa jira xarig muhiim ah kaasoo isku haya qalbiyadda dadyowga, xarigaasi wuxuu ka awood badan yahay hirarka mowjadaha badda oo maraya heerka ugu sareeya ee kacsanaanta, xarigaas wuxuu reebaa raad aan guurin, saameyntiisu waxaa gaadhaa qalbiyadda dadka kugu xeeraan, qofka aan dhigin wuxuu kadhigaa mid ummadda oo dhan ey jeceshahay, xarigaani waa iftiin ladawa majeersado waana sifo qofka laasima ee caadada kadhigta uu alle sw jecelyahay, hadaba walaalayaal caawa xarigaas ayuunu dooneynaa inaan halkaan kufaaqidno oo aan dhowr qodob kasoo qaadano sikooban insha allah.


Xarigaas waa Deeqsinimada, sadaqada waxaa looga jeeda bixinta iyo inaad dadka lawadaagto waxa aad heysato, sida inaad waqtigaaga sadaqeysato, lacagta jeebka kuugu jidha ama Bank ga kuu taalo inaad labaxdo oo aad sadadqeysato, iyo inaa labaxdo amaad sadaqeysato kheyraad kale oo alle sw kugu maneystey, tusaale inaad waqtigaaga sadaqeysato waxaa kamid ah inaad fidinta diinta islaamka waqti galiso, inaad booqato kuwa xanuunsan, inaad waqtigaaga qeyb kamid ah kubixiso nadiifinta jidka, sida inaan wixii ummadda dhibaya kaleexiso jidka, inaad nadaafadiisa iyo qurxintiisa kaqeyb qaadato. inaad lacagtaada labaxdo amaad sadaqeysato ayana waxaa kamid ah, inaad kuwa baahan ee masaakiinta ah aad caawiso sida inaad nafaqo ama raashin ugado, inaad waraabiso kuwa ooman, inaad kaqeyb qaadato waxyaabaha bulshada dheefta uleh, sida dhismaha goobaha cibaadada, kuwa wax lagu barto, sida malcaamadaha, iskuuladda, jaamacadaha, sadaqada lacagta waxaa kamid ah inaad kaqeyb qaadato goobaha dadka lagu daaweeyo sida cisbitaaladda, ceelasha biyaha, hagaajinta wax yaabaha fududeeya leyrarka ama korontada iyo sidoo kale goobaha gaadiidka dadweynaha sida madaaradda, goobaha basasku kabaxaan iyo kuwa tareenadda. waxyaabaha kale ee lasadaqeysto dadkana anfacaya waxaa kamid ah inaad dhisto ilaha wax soosaarka adigoo jeebkaaga kasoo saaraya dhaqaalaha adiga kuu gaarka ah oo rabbi sw kugu maneystey, tusaale inaad hagaajiso beeraha cinabka, kuwa timirta, kuwa babaayga, kuwa cananaaska, kuwa sabuulka iyo kuwa kale oo fara badan waa il wax soosaar taasoo badali karta nolosha kuwa fara badan oo bulshada kamid ah, kuwaasoo aan awoodin iney noloshooda maareeyaan, dadkaas oo kale waa qeyb weyn bulshadana kamid ah sidoo kalena caawin ubaahan, hadaba markaad door nuucaan oo kale qaadato waxey lamid tahay adoo nooleysay ama shaqa u abuurtey bulsho dal dhan,waana sadaqa jaariyaha runtii oo aduun iyo aakhiraba ku anfaceysa.

Deeqsinimadu waa wax bixinta, waliba allah dartiisa wax loo bixiya, inaad alle dartiis wax ubixiso waxey kaqeyb qaadaneysaa geesinimadaada, waxaad awoodi doontaa inaadan kudhibaatoon go'aan qaadashada, waayo wax bixintu waa saqinimo, waa shaqsiyad wanaagsan oo qofku kusifoobo, waana shey qofka kadhiga mid daacad ah oo leh halbeeg qofnimo iyo abuurnimo, hadabba waxaan soo qaadaneynaa qeyb kamid ah aayadaha qur'aanka ee alle SW in badan uga hadley bixinta sadaqada, hadaba alle wuxuu leeyahay 

قوله تعالى “(261) الَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ثُمَّ لَا يُتْبِعُونَ مَا أَنفَقُوا مَنًّا وَلَا أَذًى ۙ لَّهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ (262) ۞ قَوْلٌ مَّعْرُوفٌ وَمَغْفِرَةٌ خَيْرٌ مِّن صَدَقَةٍ يَتْبَعُهَا أَذًى ۗ وَاللَّهُ غَنِيٌّ حَلِيمٌ (263) 

وقوله تعالى {وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ}

وقوله تعالى {إِن تُبْدُواْ الصَّدَقَاتِ فَنِعِمَّا هِىَ وَإِن تُخْفُوهَا وَتؤْتُوهَا الفُقَرَاءِ فَهُوَ خَيرٌ لَّكُمْ}
وقوله تعالى {انفِرُواْ خِفَافاً وَثِقَالاً وَجَاهِدُواْبِأَموَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللهِ ذَلِكُمْ خَيرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ}

وقوله تعالى {قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ وَمَا أَنْفَقْتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ}".

Haadba waxaan ubaahannahay inaan wax labixidda kudhiirano, aan caawino kuwa caawinaada nooga baahan, waxaan ubaahanaay inaan nafteena kudhaqno kuna daaweyno sadaqada, waxaan dhamaanteen noo rajeynaa inaan kuwalaalowno waxbixinta alle dartiis. mahadsanidiin asaxaabta sharafta badanow, nadhiira galiya oo qeybta faalada fariimihiina dhiga. 

Post a Comment

0 Comments