Free Picture |
Tixdaan waxaan usoo qaadanayaa sababtoo ah aad bey iisoo jiidatey, oo waayo anigu intabadan waxaan xoogga saaraa wacyi galinta bulshada, dhiira galinta jiilka soo koraya, kahortagga qabyaaladda iyo kahadlidda qiimaha banii'aadamka, waayo illaahey sw ayaa karaameeyay banii aadamka guud ahaan mowduucyadeydu waxey kusaab sanyihiin waa uun banii'aadamka.
وقال سبحانه: ) ●وَلَقَد كَرَّمْنَا بَنِي ءَادَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي البَرِّ وَالبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلنَاهُم عَلَى كَثِيرٍ مِّمَن خَلَقْنَا تَفضِيلاً●)
Yacnii Allah SW, banii aadamka wuxuu kasara mariyey (kafadiley) makhluuuqa kaloo dhan, caqliga, hadalka iyo kala soocitaanka ey dadku kala saari karaan xumaan iyo samaan, iney wax diidaan iyo iney wax yeelaan, yacnii illaahey wuxuu kufadiley awood iyo garasho eyna laheyn noolaha kale sida xoolaha iyo duur joogta, hadaba halkaas hadaan ugu gudbo sida ilaahey SW usharfey dadka, waxaan uguda galayaa soo gudbinta tixdii wacyi galinta aheyd taasoo Abwaanka Soomaaliyeed ee Bishaar Wadani uu dadka Soomaaliyeed ugu sheegayo iney iska dhigaan hubka ey isla dhacayaan, walaaltinimada iyo muslimnimada iney dhowraan sidoo kale isku duubnaadaan oo wax wada qabsadaan. waana tan;-
- Walwal iyo dhib, weerar iyo colaad waqti dheer soo jiraa wadankeygii laharey.
- wax dhanbaan waayo idil soo walaahownaye allahayow dadkeyga is waafaqsii.
- wadarteenoo wanaagga ilaalin iyo inaan wada jirnaan wax kunoqon karnaa.
- wixii horey udhacay oon kaweecano, wada noolaansho iyo nabad waartaan rabnaa.
- Ehel wada dhashey iyo dad walaalaa nahaye iska dhiga warmaha oo wax wada qabsada.
0 Comments