Free Picture |
Bilowga bishii 1-aad ee sanadkaan 2024, dowladda Ethopia ayaa heshiis is afgarad lagu sheegay lagaartey Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee gobaladda waqooyi (Somaliland), dhacdadaaani ma aheyn wax caadi ah, kumana imaanin safar gaaban oo huggaanka maamulku Hageysa iyo Adis Ababa iskaga kala gooshey, balse waxow ahaa qorshe aad looga fikirey waayo badan oo is babadeley, waa go'aan kuyimid arigtiyo qaran ee madaxdii kala danbeysay ee Ethopia kala dhaxleen.
Hadaba, hadafka laga lahaa ama kadanbeeyay dhacdadaan naadirkaa muxuu ahaa?. sida iska cad, dalkasta madaxdiisu waxey aragga iyo maqalkaba siiyaan dheefsashadda sooyaalkooda, micnaheedu waa in taariikhdu dadka fahamkoodu salka adag leeyahay eynsan dhayal uqaadan, markaan gunta usii galo ararteyda, Somalia iyo Ethopia waa 2-ba dowladood oo daris ah, waxeyna leeyihiin taariikh adag oo soo martey laga soo bilaabo bilowgii 1964 ilaa 1977, oo ey labadda wadan soo mareen dagaalo lagu riiqdey oo laxiriirey jiritaankooda. Ethopia waxey waligeed aaminsaneed in Somalidu tahay dad aan dowladnimo uqalmin oo xoola dhaqato ah, waxeyna kutaami jirtey ilaa hadana qorshaheedu yahay sidii ey mar uun dhulka Soomaalida gacanta ugu wada dhigi laheyd, sidoo kale Ethopia waxey aamin santahay, walibana ciroolahoodu caruurta kubarbaariyaan iney dhulka Somalida oo idil ayagu leeyihiin, balse Somalidu waxey aamin sanyihiin iney yihiin qaran jira, madax banaan, gumeyste reer galbeed ah kusoo duuley, dhulkeeda kala qeybiyey, sidaasna dhul balaaran uu uga maqan yahay dalalka dariska ah sida Ethopia iyo Kenya, waana midda keentay dagaaladii cuslaa ee soo marey Somalia iyo Ethopia, Ethopianku waxey doonayeen inaan Soomalidu xornima helin, gumeystihii reer galbeedkuna iyada (Ethopia) kuwareejiyaan, gaar ahaan Engiriiska ayuu Hailemariam Desalegn kacodsadey, inkasta oo aan dhulkaas lagu wada wareejin Ethopia, hadana Engiriisku dhulka looyaqaan Howd iyo Reserve Area ayuu Ethopia ugacan galiyey, waana qaladkii ugu weynaa ee reer Egland uu kagaley ummadda Soomaaliyeed, waayo waxow kuxad gudbey qaranimadda ummad idil iyo jiritaankooda intuba.
Aan u imaano jawaabta danta Ethopia kalaheed heshiis beenaadkii ee lagashey maamul gobaleedka Soomaliyeed ee gobaladda waqooyi;- seddex ujeedo oo kala duwan ayey Ethopia arintaas usameysay;-
- Kahortagga midnimadda iyo isku imaanshaha ummadda qaranka Soomaaliyeed, Ethopia waxey dareentey in Somalia si xowli ah kusoo laabaneyso, dadkeeduna midoobi rabaan, eyna doonayaan xalinta khilaafaadka siyaasiga ee dhexdooda ah, waxaana lawada soconaa, kahor safarkii Muuse Biixi Cabdi ee Addis Ababa, iney shir quseeya sidii loosoo afjari lahaa xaaladaha kala duwanaanshaha siyaasadda ee udhexeeya siyaasiyiinta, loona sameyn lahaa nidaam awood qeybsi oo dhanka kuraasta iyo siyaasadda ah, ayadoo si siman wax looqeybsanayo koonfur iyo waqooyi. waxaa kale oo xusid mudan, inaan is weydiino Ethopia maamul kamid ah kuwa kajira Somalia dowlad ma u aqoonsan kartaa?. waxaan ognahay in gudaha Ethopia dab siyaasadeed kahulaaqayo, caadi ahaanna Ethopian ku waa qowmiyadu qoorta iskaga maran oo malaha wax mideeya ama kadhexeeya oo isku heyn kara, balse waa ummad reer galbeedku isku dul hayaan oo qoladii xaafiiska dalka ugu sareeya mar timaadaba waxey isku deydaa iney cadaadiso kuwa kale, awoodana marooqsato, Ethopia kama jirto Technology horumarsan, sida Internetka, isgaarsiinta iyo wixii lamid ahba, waxaana keenaya waa dal aan daganeyn oo maamulkii yimaadaba ummadda cadaadiyo, waayo dowlad kasta oo katalisa Ethopia waxey aad uga cabsataa xorriyatul qowlka iyo dhaqdhaqaaqyadda madaxa banaan ee siyaasadda laxiriira, dalka oo dhanna waxaa kajira hal xisbi siyaasadeed oo BARWAAQO layiraado, kaas ayaana kutekri fala awoodda dalka oo dhan, majirto qowmiyad kajirta Ethopia oo dariskeeda nabad kula nool, dagaal xarbi ah oo daba dheeraadey baa dalka oo dhan kajira, sidoo kale dhul aad ubalaaran bey Ethopia kaheysataa Somalia, dhulkaas dadka Somalidu waxey aaminsan yihiin inuu maalin uun Ethopia kaxuroobi doono, waayo dadka Soomaliyeed ee dhulkaas kunool ma aaminsana iney Ethopian yihiin, dowladda Soomaaliyeedna iney dhulkaas xoog looga heysto oo gumeyste gumeysta kale kuwareejiyey ayey aaminsan tahay, hadaba dalka sidaas ukala daadsan oo aan gobal gobal lajooga jirin gobaladda waqooyi ee Somalia dal madax banaan ma u aqoonsan karaa?. jawaabtu sikooban waa maya, waayo dunidda shuruuc baa kala hagta, Ethopiana kama tallaabsan karto shuruucdaas, waalow maanta dunida qoloba sidey doonto udhaqanto.
- Hadafka 2-aad ee Ethopia waa kuqabso kuqadi meyside, maadaama dowladnimadda soomaaliya tahay mid jilicsan oo aaney imkaaniyaadkii dalka oo dhan lagu difaaci lahaa udhameystirneyn, walow soo kabasho jirto, Ethopia waxey iska dhaadhicisay heshiiska ey lagashey maamulka gobaladda waqooyi ee Somalia, iney saami uga heli karto Somalia, ayadoo adeegsaneysa card keeda siyaasadeed ee gobalka iyo calaamka intiisa kaleba, Ethopia waxey aaminsan tahay iney katun weyntahay Somalia, marka la eego masraxiyadda Siyaasadda ee Africa, Asia, Europe iyo America intaba, balse inta aan ognahay Somalia ayaa Ethopia ugu awood sheegatey dhankaas, waayo Somalia waxey kuguuleysatey iney indhaha caalamka oo idil kusoo jeediso xadgudubka Ethopia, balse Ethopi wali waxey aaminsantahay iney hankeeda hangoolka lagu hayo badda balaaran ee Somalia qeyb uga heli karto.
- Midda ugu danbeysa ee qorshahaan Ethopia kaleedahay waa dhaxal reeb, Ethopia waxey manhajkeeda waxbarashada dalka iyo caqiidooyinka wadaniyadda kudhigi doonta sidii taariikhdaas madow ee dhul boobka ah loogu gudbin lahaa jiilasha danbe, hadalkaasna waxaa laga dhadhansakarey hadal jeedintii Aby Ahmed ee Usbuucii hore ugu khudbeeyay barlamaanka wadankiisa.
0 Comments