Free picture |
Soomaaliya oo ah dowlad ku taala geeska Africa xornimadeedana qaadatey 1960kii, mudo soddon sano kadib xornimadeedii kadib na weysay dowladnimadeeda, kadib dagaal sokeeye oo dalka kadhacey, waxey isku dayeysaa iney soo ceshato maqaamkeedii africa iyo aduunkaba, ayadoo dib u yagleeleysa hey adaheeda dowligaa tan iyo 2000.
kudhawaad soddon sano oo kale markii dowladnimadda cusub ee soomaaliya dib loo ebyey, waxaa liicaya oo si gaabin ah u luudaya soo noqoshadda awooda dowladeed ee dalka, balse su'aashu waxey tahay maxaa sababey jiitanka dheer ee soo kabashadda dowladnimadda soomaaliya?.
In kasta oo ey jiraan faragalin shisheeye kana imaaneysa dariska Soomaaliya oo colaado soo jireen ah oo gaamurey kala dhexeyso Soomaaliya iyo faragalin kale oo caalamka intiisa kale ka imaanaya, hase yeeshee culeyska ugu weyn ee soo laabashadda dowladeed ee Soomaaliya 24 sano oo xiriira wajaheyso waa hanka is maan dhaafsan ee danleyda siyaasadda Soomaaliya, waxaa cad ineysan in badan oo siyaasiyiinta Soomaalida ah rabin dowlad-nimo hana qaada oo caalamka wax laqeybsata, waxey isku dayaan had iyo jeer iney cuuryaamiyaan hana qaadka iyo soo kabashadda dhismaha hey ado dowladeed oo tayo iyo tiro leh, hey ado dowladeed oo leh awood balaaran oo ey ku dhaqaajiyaan howlahooda muhiimka ah, waayo waxey aamin san yihiin hadii bulshadu hesho fursad ey ku doorato hoggaanka ey rabto eysan sii jiri doonin marin habaabinta daciifka ah ee danleyda dhiigga shacabka quudata ee kudhisan waxey cunaan iyo is muujin siyaasiya oo aan laheyn hal beeg iyo han mira dhala, sidaas darteeda waxey is baaro siyaasadeed u dhigteen dowladnimadii dalka.
ugu danbeynta dabrka loo dhigtey dowladnimadii ummaddu laheyd ee lugaha looga duubey dunta miliqsan ee salka kuheysa u adeegidda danaha shisheeye iyo kuwa gaarka ah waxaa looga gudbi karaa isku duubni bulsho oo leh hiigsi fog iyo wadaniyad kamaran qabyaalad iyo qolo qoleyn.
0 Comments